Axaddii sidaan Kuu eegayee Araggeeda taan Ku il-doogsadaay Ma illawsan tahay Axdigaad martiyo Meeshaad I tidhi Waan imanayaa. Immisaad farriin Ergo soo dirtood Oontiyo biyaha Hurdo aawaday Uga soommanayd Eed layga keeniyo

             Abwaan Hadrawi Axaddii sidaan Kuu eegayee

 Araggeeda taan  Ku il-doogsadaay
 Ma illawsan tahay  Axdigaad martiyo
 Meeshaad I tidhi Waan imanayaa.
 Immisaad farriin Ergo soo dirtood
 Oontiyo biyaha Hurdo aawaday
 Uga soommanayd Eed layga keeniyo

Waa lay addimey


 Axaddii sidaan Kuu eegayee
 Araggeeda taan  Ku il-doogsadaay
 Ma illawsan tahay  Axdigaad martiyo
 Meeshaad I tidhi Waan imanayaa.
 Immisaad farriin Ergo soo dirtood
 Oontiyo biyaha Hurdo aawaday
 Uga soommanayd Eed layga keeniyo
 Midna amar Illaahay Kuma aad maqnaanine
 Adigayska baaqdee
 Haddaad I tidhaahdo iman maayo
 Ma aadeen halkaad ogsooneyd
 Anigaa isla hadloo Mar waxaan idhaahdaa
 Ku illaawi maysoo Way imanne sii joog
 Mar waxaan idhaahdaa Axdigaydin dhigateen
 Kola oofin maysee Samir Eebbe qaadoo
 Ka fogow agteedaan Uurkayga geliyaa.
 Arimada jacayl baa
 I hogaaminaysoo  Misna kuma adkaystoo
 Kama hoydo aydoo Naftu olol ma deysee.
 Indhaaga habeenkii Ku ilaalinaayoo
 Dhammideed addunyada Afarteeda waaxood
 Hadba gees u eegee Aammusnow habeenkii
 Ug baadka iyo dooggaa Tiiraanyo ooyoo
 Idilkood xiddigahaa Afar qaaday socodkoo
 Ubax baan guroo Soo ururiyoo
 Amranow golii Ooddii madhnayd
 Ku ag daadiyoon  Ku ilaa xidhoon
 Weheshada idhee  Eedaanka diiggoo
 Oogsadey salaadiyo  Waagoo iftiimaan
 Keligey inaan ahay Asaraar ka saaroon
 Addimada cuskadayoon Dib u soo arooree
 Qof ammaano lumiyoo Iibsadey xilkeedii
 Samo uguma aaye  Aan kala war haynaan
 Ku afgooyey heestee

maracadeshow

SEE NOLOSHAADA HADAF LOGA YESHAA? WAA MAXAY HADAFKA NOLOSHA? SIDEENA LOGARAA

Post a Comment

Previous Post Next Post