Xasan Xirsi Faraax oo ah aabe 90 jir ah,

 Xasan Xirsi Faraax oo ah aabe 90 jir ah,  wuxuu muddo ka badan 30 sanno ag jiifaa qabriga xaaskiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Xasan  xaaskiisa oo dhashay 7 caruur dhamaantood way dhinteen, wuxuuna wehel ka dhigtay qabriga jeceelkiisa hore oo dhimatay.



Xasan , wuxuu qabriga xaaskiisa ku ag diyaarsaday God kale oo doonayo in lagu aaso markii uu dhinto . Aabe Xasan oo ka muuqatay daruuf adag ayaa wali ka samri la' jeceelkii uu u qabay xaaskiisa,  balse Alle dunidaan keenay ka jeclaaday.


Aabe Xasan ehel iyo caruur malahan hadda, wuxuuna wehel ka dhigtay qabriga xaaskiis oo maalin kasta ag jiifto, wuxuuna codsaday in lasoo caawiyo maadaama daruuf adag ku haysato qabriga xaaskiisa agtiisa. Sii faafi



maracadeshow

SEE NOLOSHAADA HADAF LOGA YESHAA? WAA MAXAY HADAFKA NOLOSHA? SIDEENA LOGARAA

Post a Comment

Previous Post Next Post